Bonomade Machude Omar oo la dilay

258

Hoggaamiye koox islaami ah oo ka dagaallanta dalka Muzambique ayaa la dilay, waxaana warka geerida hoggaamiyahan oo sannado badan la raadinayay shaacisay dowladda Muzambique.

War kasoo baxay dowladda Muzambique ayaa lagu sheegay in ciidankooda dileen hoggaamiye koox islaami ah oo lagu magacaabayay Bonomade Machude Omar, kaa oo dowladda kula jiray dagaal.

Hoggaamiyahan xiriirka la lahaa Daacish ayaa dowladda Muzambique sheegtay in lala dilay labo nin oo kale oo iyana kamid ahaa hoggaanka sare ee fallaagada ka dagaallanta qeybo kamid ah dalka Muzambique

Wasaaradda gaashaandhigga Muzambique ayaa sheegtay in Bonomade Machude Omar oo sidoo kale loo yaqaan Ibn Cumar uu hoggaaminayey fallaagada tan iyo markii ay bilowdeen colaadaha 2017-kii.

Ninkan la dilay ayaa labo sanno kahor dowladda Mareykanka kusoo dartay liiska kooxaha argagaxisada ah , waxa ayna ninkan ku eedeeyeen Mareykanka in uu masuul ka ahaa weeraro dad rayid ah lagu dilay oo ka dhacay gudaha Muzambique.