Askar loo maxkamadeynayo hub iyo gaadiid ay Shabaab furteen+SAWIRO

297

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta xabsi u dirtay in ka badan 30 saraakiil iyo askar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ragga maanta xabsiga loo taxaabay waxaa loo haystaa gadiid iyo hub ay Shabaab qaateen qaarna gubeen, maalinkii uu dhacay weerarkii magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Masuuliyiinta maxkamadda ayaa gal-dacwadeedkaan xasaasiga ah ka furay mahaalada Wisil ee gobolka Mudug oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada ku jira howlgalka argagixisada looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug.

Sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda waxaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa dacwadda askarta iyo saraakiisha xabsiga loo taxaabay maanta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowgii bishaan weerar culus ku qaaday magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxayna furatay gaadiid badan, inkastoo markii dambe la sheegay in aysan kaxeysan oo la duqeeyey.

Askarta iyo saraakiisha loo heysto gaadiidka oo u badan guutada 18-aad ee Gorgor, waa ciidankii uu ka geeriyooday Taliye Suulnuug, waxaana furimaha dagaalka looga yaqiinay guutada ugu adag ciidanka xoogga dalka.

Ururka 10-aad ee guutadaas ayaa loo heystaa gaadiidka ugu badan ee dagaalkaas lagu gubay, waxaana ururkaas ka maqan 9 gaari, ragga lasoo xiray waa askartii iyo saraakiishii dowladda ugu qoraa gacan ku heynta gaadiidkaas.

Masuuliyiinta Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay askarta iyo saraakiisha la xiray, waxaana laga wareystay sababta keentay dayacaadda gaadiidka, su’aalo weydiin kadib waxaa loo diray xabsi, waxaana dhawaan ku bilaabaneysa maxkamadeyn toos ah.

Dhawaan isla maxkamadaan waxaa la soo taagay 27 askari oo ka tirsanaa ciidanka Gorgor, kuwaas oo ka baxsaday furimaha dagaalka, isla markaana lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ah.