Daawo: Madaale oo raali-gelin siiyay Xildhibaanada

199

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa raalligelin buuxda ka bixiyey “gef uu u gaystay” baarlamaanka, kadib markii uu dhawaan jeediyay hadal ay dhibsadeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan waxaana kasoo jawaabay qaar kamid ah xildhibaannada, sida Faa’iso Jayte oo dalbatay in baarlamaanka uu tallaabo ka qaado Madaale.

Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada. Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku jawaabtay xildhibaan Faa’iso Jayte.

Intaas adib waxaa mar kale soo hadlay Duqa Muqdisho wuxuuna sheegay inuu shaki soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada “Baarlamaanka shalay iyo darraad shaki ayaa na kala dhex-galay” ayuu yiri.

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale raalligelin buuxda siiyay xildhibaannada Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii uu horay u yiri.

Anoo imooshinaal ah ayaa laga yabaa in xoogaa ay wax iga soo baxeen marka waxaan leeyahay ha’iga raalli ahaadaano xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Nin wax caayo ma’ihi afkeygana ma qabto in xildhibaan Soomaaliyeed aan caayo ama aan wax ka sheego”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn ku baaqay in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Waxaa la rabaa mar kasta inay noo kala soocnaato mucaaradnimada siyaasadeed iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta oo ciidanka Soomaaliyeed u dhimanaayo” ayuu yiri.