DAAWO:-Weerar ku bilowday Qarax iyo rasaas ayaa ka socota xeebta Liido

125

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa goor dhowayd ka dhacay Beach View oo kutaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac aan weli tiradooda la ogaan.

Muuqaal laga soo duubtay xeebta ayaa lagu arkayaa maydad iyo dhaawacyo badan oo daadsan barxadda Xeebta Liido.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab ay isku qarxiyeen gudaha iyo bannaanka Beach View.

Rasaas xooggan ayaa ka dhacaysay gudaha Beach View lamana xaqiijin karo in dagaalamayaal Shabaab ah ay gudaha ka dagaalamayaan.

Waqtiga ay qaraxyadan dhacayeen ayaa ahayd xilli mashquul ah oo ay dad badan damaashaadka Jimcaha u yimaadeen xeebta Liido.

Illaa iyo lama oga dadka dhintay inay ku jiraan masuuliyiin dowladda katirsan.