Qoor Qoor oo magacaway gobol cusub oo lagu soo kordhiyay Galmudug

76

Galmudug ayaa magacowday gobolka cusub oo la yiraahdo Galwaaq, kaasi oo laga jarayo gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay ka taliso Galmudug, go’aan ayaa galabta ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada.

Wax faahfaahin ah lagama bixin soohdinta uu yeelanayo iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka cusub ee Galwaaq, balse waxaa la sheegay in lagu ansixiyey kulankii maanta ee golaha wasiirrada Galmudug.

Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa wada joogay kulankaas, waxaana magacaabida gobolkaan cusub loo gudbiyey baarlamaanka Galmudug, si ay u ansixiyaan, si lamid ah golaha wasiirrada.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga deegaannada Dowladda Galmudug ka dhageystay wasiirka wasaaradda Amniga.

Intaas kaddib Goloha ayaa dood dheer ka yeeshay wajiga koowaad ee unkidda gobollo cusub oo ka mid noqonaya Gobollada Dowladda Galmudug, waxaana dood dheer kaddib goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay goboleynta Gobolka Gal-Waaq , kaasoo oo loo gudbin doono golaha wakiillada Dowladda Galmudug si loo dhammeystiro ka mid noqoshadiisa gobollada Dowladda Galmudug.

Ugu golaha ayaa warbixin la xariirta halka uu marayo qorshaha dhismaha Dekedda Hobyo ka dhageystay wasiirka wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirku shirka golaha ka dhex sheegay xilliga sida rasmiga ah uu u billaaban doono dhismaha Dekedda.