Xildhibaan Maxamed Abiib oo Hargeysa lagu xiray

59

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa shaagaya in goordhow magaalada Hargeysa lagu xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi.

 

Abiib ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Lama oga sababta ramsiga ah ee loo xiray xildhibaanka oo maalmo kahor isaga oo ku sugan Imaaraadka weerar afka ah xukuumadda Muuse Biixi, sidoo kalena duray SNM.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo dheer ay is hayaan madaxweyne Biixi, waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland uay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo ay usoo jeediay xukuumadda Somaliland.

 

Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirtay qorshe ay wadatay madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo.

 

Xildhibaanka ayaa isagana iska difaacay xukuumada, wuxuuna ku laabtay Boorama oo laga soo doorto, halkaas oo uu abaabul bulsho ka sameeyay, kadib markii laga taageeray.

Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayada oo su’aal ay ka taagan tahay qaabka loo wajahay, maadaama uu yahay xildhibaan, welina aan laga qaadin xasaanadda.