Masuul Turkish ah oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

42

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori oo u dhashay dalka Turkiga.

Ninkaas ayaa ku eedeysan inuu ku xad-gudbay xeerka shaqada, dhaqanka suuban iyo ku takrifal awoodeed oo muwaadiniin Soomaaliyeed uu kula kacay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu soo xiray, Makamadda gobolka Banaadir-na horgeeyey eedaysane Mr. ERTUGRUL KARAFIYELI oo ah Madaxa Shaqada yo Shaqaalaha Shirkadda Favori, ahna muwaadin u dhashay dalka Turkiga,” ayaa lagu qoraal uu soo saaray xafiiska xeer ilaalinta oo sii faahfaahiyey arrintaan.

Eedaysanaha ayaa loo haystaa faldambiyeedyo kala ah anshax xumo,

handadaad, xadgudub iyo takrifal awoodeed oo uu ku sameeyay muwaadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay Shirkadda Favori oo uu si ka baxsan Xeerka Shaqada iyo Dhaqanka suuban kula kacay.

Maxkamadda ayaa markii ay ku qanacday cadaymaha hordhaca ah ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Cuud ee Qaranka u gudbisay eedaysanaha Xabsi ku hayn ku meel gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bilaabi doonaa dhamaystirka Maxkamadaynta eedaysanaha, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Soomaaliya waa dhif in la maxkamadeeyo ajaanibta ku xad-gudbeysa muwaadiniinta, sababtuna jileeca dowladnimada iyo aqoon darro ama tabar darro ka jirta meelaha qaar.

Sharkadda uu ka tirsan yahay ninkaan ayaa gacanta ku heysa maamulka dekedda Muqdisho, hadda ka hor waxaa mar lasoo xiray nin Turki ah oo ka tirsanaa shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo laga jaaseeyey dembiyadii loo heystay.