Daawo: Taakeeye oo ooyay kadib xukun adag oo lagu riday

45

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isaga oo usoo gacan galay hay’adda NISA.

Ninkan oo muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maxkamadeyntiisu waxa ay soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday maxkamadda sare ee ciidamada oo iyada leh go’aanka u dambeeyay.

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda usoo bandhigtay eedaha loo haysto ninkan, waxaana kamid ah inuu si toos ah u taageeray kooxda Al-Shabaab, kadib wareysiyo iyo muuqaallo kala duwan oo uu ku baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.
Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay kiis kale oo ah inuu ku xadgudbay calanka, astaanta qaranka, iyo inuu gaallo ku tilmaamay dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa isaga oo ilmeynayo hadalka qaatay Sufyaan Taakeeye oo ku dooday in aanu weligiisa taageerin Al-Shabaab, sidoo kale aanu ahayn nin dadka gaaleysiiya.

“Aniga Sufyaan Sheekh haddii aan ahay Shabaab ma taageersani, waligeyna xiriir lama yeelan, sidoo kale ma ihi nin takfiiri ah, mana ahi nin raba inuu waddankiisa burburiyo” ayuu yiri Sufyaan Taakeeye.

Ugu dambeyn maxkamadda sare ee ciidamada ayaa ku dhowaaqday in Sufyaan Taakeeye lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay guddoomiye Liibaan Cali Yarow.