DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo soobandhigay dhagarta Itoobiya

72

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefeshinka Al-jazeera ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay qabsatay qayb kamid ah Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa si toos ah u carab baabay ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo, wuxuuna sheegay inay qabsadeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka ku eedeeyay inay hub soo geliyeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaad qabaa’il oo gudaha ku sugan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay bannaanka keeneen farogelin uu tilmaamay in weligeed ay Itoobiya ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya.

Inta uu ku guda jiray wareysiga waxaa kale oo uu madaxweynhu meel adag ka istaagay heshiiska badda ee dhaliyay xiisadda haatan u dhexeyo labada dowladood.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada o muddooyinkii u dambeeyay Itoobiya ay dhaq-dhaqaaq ka waday gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, halkaas oo ay soo gelisay ciidamo dheeraad ah, kadib markii ay sii laba qarxay xiisadda labada waddan.