Maxkamada Sare ee Somaliland oo Amar ku Bixisay in Lasii Daayo Maxamed Abiib

81

Maxkamada Sare ee Somaliland, oo go’aan ka gaadhay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, oo ku xidhan jeelka Madheera, ayaa amartay in isla maanta lasii daayo, iyada oo xadhigiisa ku tilmaantay sharci-darro.

Amarka maxkamada ayaa soo baxay maanta kadib markii ay ka garnaqday dacwad dastuuri ah, oo ka dhexeysay Golaha Wakiillada iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Somaliland, taasi oo nuxurkeedu ku qotomay xadhiga xildhibaan Abiib.

“Maxkamadu Waxay qaraarisay in xabsi ku haynta mudane Maxamed Abiib Yuusuf ay tahay sharci-darro maadaama Golaha Wakiillada JSL ay cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa si waafaqsan Qodobka 79aad iyo Qodobka 49aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka JSL” ayaa lagu yidhi qaraarka kasoo baxay maxkamada sare.

Maxkamadu waxay sheegtay in ay xorriyaddiisa dib ugu celisay Maxamed Abiib, isla markaana waxa ay fartay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland in uu xabsiga ka siidaayo isla maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024.

“Waxa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka JSL in ay dastuurka dalka u hogaansamaan oo ixtiraamaan” ayay maxkamadu ku tidhi qaraarka.

Xildhibaanka ayaa dhawaan xabsiga loo taxaabay isaga oo aan laga qaadin dhawrsanaanta, kadib markii lagu eedeeyay danbi qaran-dumisnimo ah, lakiin golaha wakiilada ayaa diiday dacwada ka dhan ka ah Abiib, iyaga oo maxkamada sare u gudbiyay in ay ka garnaqdo sharcinimada xadhigiisa.