Xildhibaan Maxamed Abiib oo Xabsiga laga siidaayay

26

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay.

Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama golaha wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa.

“Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goordhoweyd xildhibaanka.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan, si aysan u dhicin ku tumasho sharci.

Abiib oo muddo ku siman bil u xirnaa xukuumadda Somaliland ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu-tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay.

Xildhibaan ayaa waxay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo markaas ay xeer-ilaalinta Somaliland ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday golaha wakiilada Somaliland.