Puntland oo Darajooyin ku Saftay Saaraakiisha Ciidanka ee kasoo Goostay Somaliland +VIDEO

1662

Munaasibad lagu qabtay deegaanka Balli-busle ee Sanaag ayaa Puntland ku dallacsiisay saddex Taliye oo kasoo goostay Somaliland, Waxaana sidoo kale Puntland ay billad sharafsiisey badhasaabkii Somaliland ee Badhan oo isna goostay Cali Xuseen Maxamed.

Taliyaasha Xuseen Dheere iyo Xayle Xaaji oo hore uga tirsanaa ciidamada millteriga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa loo dalacsiiyey Gaashaanle sare halka Taliye Jaamac Dhakaar oo degmada Dhahar haystayna loo dalacsiiyey Gaashaanle dhexe, taliyaashan ayaa la sheegay in ay wateen ilaa 1,000 askari.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa sheegay inuu Bogaadinayo Ciidamada Iyo Sharaakiisha kala duwan ee kasoo baxay Somaliland.

“Taliyaasha iyo ciidamadan waxay soo goosteen 28-May oo noo badalaysa 18kii May, Waana Maalin laga Xusi doono Gobolka sanaag 28-May”.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo dhankiisa munaasibada hadal ka jeediyey ayaa yidhi “Puntland wixii dhib soo maray idinka ayey idinku ilaawaysaa, waxayna Arinta Tusaalle u noqon doontaa kuwa kale ee ku sugan Gobolka Sool”.