SAWIRRO:- Ciyaal weeradii ugu badneed oo xabsiga ladhigay

16

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kusoo qabqabtay 24 dhalinyaro ah oo ku eedeysan iney rabshado ka sameyeen Shalay galab garoonka kubbada Cagta Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in garoonka Eng. Yariisow oo ay Shalay galabta ka socotay ciyaar ka tirsaneyd tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo dhexmareysay Kaaraan iyo Wadajir iney sameeyeen falal lidi ku ah amaanka.

Waxaa caawa fiidkii Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaasoo galabta Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya lagu sheegay in dhalinyaradaan lasoo qabqabtay ay ku socoto baaris, islamarkaana la hor keeni doono Maxkamaddaha awooda u leh.

Ugu dambeyntii Booliiska Soomaaliya ayaa ayaa uga digay dhalinyarada Soomaaliyeed falalka lidiga ku ah amaanka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

“Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.