Heshiiska dhismaha dekadda Hobyo oo maanta la saxiixay +SAWIRRO

143

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiiska dhismaha dekadda Hobyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa, iyadoo goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ka qeyb-galay mudanayal ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa madasha ka sheegay in dhismaha dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, ayna dowladdiisa ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoor-Qoor ayaa horey u asteeyay goobta laga loo asteeyay dekadda Hobyo, isagoo markaas amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn dhulkii hore loo deegaamayay.

Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Si kastaba, dhismaha dekadda Hobyo ayaa muhiimad gaar ah u leh reer Galmudug, oo ayagu muddo ku taamayey inay heleen dekad casri ah, taas oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaale ee deegaanada maamulkaasi.