Axmed Madoobe oo taageeray go’aan kasoo baxay DF +SAWIRRO

22

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ayiday go’aan horey uga soo baxay dowladda federaalka, kaas oo lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticmaalo.

Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaalada guud ee siyaasada dalka, ayey qeyb ka aheyd doodda xeer ku saabsan joojinta bacaha halka mar la isticmaalo oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland diirada lagu saaray horumarinta xabsiyad iyo qodobo kale oo muhiim u ah maamulkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda halka mar la isticmaalo, taas oo dhibaato weyn ku ah badqabka deegaanka.

Sidoo kale wasaaradda rekadaha iyo gaadiidka badda XFS ayaa bixisay amar lagu joojinayo in dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, islamarkaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan.