Muuse Biixi oo kulaabtay shaqadiisii hore ee Baylotnimo

14

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diyaarado cusub oo Somaliland yeelan doonto (Somaliland Airline).

Diyaaradahan oo ah nooca yaryar ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu tababaro wadayaal (Pilots) dhinaca duulimaadyada ah oo reer Somaliland ah.

Madaxweyne Biixi waxa uu ugu horrayn daah-furay diyaaradaha Somaliland Airline oo ay ka wada-shaqeeyeen khubaro u dhalatay dalka Serbia, sidoo kale wuxuu sameeyey duulimaadkii ugu horreeyey ee ay diyaaradda samayso, taas oo si nabad ah dib ugu soo degtay.

Sidoo kale wuxuu dhagax-dhigay Machad cusub oo lagu baran doono cilmiga kaxaynta diyaaradaha, (Aviation Institute at Somaliland civil Aviation and Airport Authority), isaga oo sidoo kalena dhagax dhigay Teerminaal cusub oo loo binaynayo madaarka Cigaal.

Intaas kadib wuxuu madaxweynaha xarigga ka jaray qolka madaxdu kasoo degto, kana dhoofto ee VIP-da oo casriyeyn iyo dib u habayn lagu sameeyey.

Munaasibad kooban oo lagu xusayey mashaariicdan Somaliland u suura-galay, ayaa laga jeediyey hadalo lagu bogaadinayo horumarkan qaranku gaadhay iyo sida loogu hagar baxay.

Xubno ay kamid yihiin madaxda ugu sarraysa hay’adaha duulista iyo madaaradda Somaliland, wasiirro, la-taliyeyaal iyo khubarada gacanta ku haysa tababarka diyaaradahan lagu bixin doono oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey mashruucan lagu ibo furay diyaaradahan ay Somaliland leedahay iyo sida ay kaalinta mucda leh ugu leedahay siyaasadda madaxweynaha ee qaranka lagu hor marinayo.

Madaxweynaha Biixi oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxda hay’adda duulimaadyada ku bogaadiyey dedaalka ballaadhan ee ay sameeyeen iyo sida ay uga midho dhaliyeen riyadii ahayd in Somaliland yeelato diyaarado ay iskeed u leedahay.

Ugu dambayntii, madaxweyne Biixi waxa shahaado sharafyo guddoonsiiyey dhallinyaro dalka dibaddiisa kasoo baratay cilmiga waddista diyaaradaha iyo khubarada ajaanibka ah ee gacanta ku haya diyaaradaha cusub, kuwaas oo dhallinyarada bari doona wadista diyaaradaha.