Soomaaliya oo sheegtay inay iyadu xulanayso dalalka kamid noqonaya howlgalka AUSSOM

21

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada how-lgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howl-galka cusub.

Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.”

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howl-galka ayey dowladda sheegtay in looga baahan yahay waafaqsanaanta danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Soomaaliya ayaa qoraalkan ku sheegtay in Itoobiya ay lumisay kalsoonida lagama maarmaanka u ah howl-galka nabad ilaalinta, ka gadaal markii ay Somaliland la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo xad-gudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.”

Sidoo kale waxaa lagu xusay qoraalka dowladda Soomaaliya ciidamadii ay toddobaadyadii dambe Itoobiya soo gelinaysa gudaha dalka, taas oo khatar amni ah.

Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya.”

Ugu dambeyntiina waxay dowladda caddeysay sida ay uga go’an tahay inay howl-galkan kala shaqeyso Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada.