Dagaal culus oo ka socda xaafad ka tirsan Muqdisho

46

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal haatan ka socda Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay burburin ay ciidamada dowladda ka sameeyeen halkaasi, kadib markii ay cagta mariyeen xaafado iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay iska dhicin doonaan cid kasta oo ku howlan burburinta.

Annagu ma yeeleyno dadka deegaanka oo isku xiran ayaa nahay dowladdana, waa iska dhicineynaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.


Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ugu yaraan 1 qof uu ku dhaawacmay dagaalkan, sidoo kalena waxaa qorayga sabanka lagu dhuftay cagaf cagaftii shaqada ka waday halkaasi.

Labadii cagaf ee shaqada waday lugahaa laga banjariyay, hal qof oo kalena waa ku dhaawacmay khasaare kale ma jiro” ayuu mar kale yiri.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas laga maqlayo aagga Ex-koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xaafadda uu muranka ka taagan yahay waxaa wax ka deggan ciidamo ka tirsan dowladda oo lasoo wariyay inay kasoo baxeen furimaha dagaalka, maadaama la barakiciyay qoysaskooda.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.