Akhriso:- Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga doorashada Jubaland

108
AXMED MADOOBE
AXMED MADOOBE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa-banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, waxaana socda qorshe uu ku boobsiinayo doorashada, xilli dowladda federaalka ay diidan tahay in doorasho dadban ay ka dhacdo Jubbaland.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 7 qof oo lix rag tahay iyo hal gabar, kuwaas oo ka shaqey doona qabashada doorasho oo si deg deg ah uga dhaceysa Jubbaland, sida uu qorsheystay Axmed Madoobe.

Tani waxay soo afjartay aragtidii madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd inuu dalku yeesho hal gudi doorasho, taas oo ah qodobkii ugu weynaa ee Axmed Madoobe uga tagay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddigan caawa la magacaabay ayaa la filayaa inay soo saaraan jadwalka doorashada Jubbaland, si Axmed Madoobe u helo mudo xilleed cusub, horay waxay Madasho ugu heshiisay in bishaan November doorasho dadban la qabto, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka laabtay go’aankaas, wuxuuna doonaya in dalku yeesho hal guddi doorasho, la iskuna doorto hanaan qof iyo cod ah.

Shalay iyo maanta waxaa Kismaayo ku sugnaa xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ku metesha dowladda federaalka, intoodii aqbashay casuumaadii Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhegaha ka fureystay rabitaanka dowladda federaalka ayaa dhowaan soo saaray warqad casuumaad ah oo xildhibaanada federaalka uu ugu yeeray, isagoo iclaamiyey kulan aayo ka tashi ah.

Xubnaha Kismaayo gaaray ayaa Wardoon u xaqiijiyey in qorshaha Axmed Madoobe uu yahay inuu qabto doorasho dadban, wuxuuna si cad u diiday inuu kororsado hal sano, isla markaana doorasho qof iyo cod ah u diyaariyo Jubbaland.

Jubbaland ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku eedeysay dowladda federaalka, waxayna shaacisay in ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose laga soo saaray furimaha dagaalka, kuwaas oo la isugu geeyey Kismaayo, si qalalaase looga abuuro Jubbaland, sida loo dhigay warka ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.