Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Taageeray Mucaaradka

47

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa bulshada ugu baaqay in ay u codeeyaan xisbiga Waddani iyo ururada isbadal doonka ah.

Saylici oo muddo ka badan 14 sanno ahaa madaxweyne ku xigeen, ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Musharax Cirro ku taageeray isbadaldoonka, isaga oo sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay wixii uu ku dhaartay 7 sanno kahor.

Madaxweyne Muuse laguma sii halayn karo talada dalka , dhaarti qaranka u dhaartay wuu ka baxay, danta Somaliland isbedel doonka ayay ku jirtaa.” ayuu yidhi Saylici.

Si la mid ah dhawaqii kasoo yeedhay maalmo ka hor waxa uu taageero u muujiyay ururka Barwaaqo oo kasoo jeeda bogolka Awdal, isaga oo kasoo horjeestay ururka Hilaac oo xaga xisbiga Kulmiye u janjeedha.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna soo dhaweeyay taageerada Saylici, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah.

Musharax Cirro ayaa taageero is daba joog ah ka helaya siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka magaca ku leh Somaliland, waxaana raja wayn laga qaba in uu ku guulaysto doorashada 13 November.