Netanyahu oo shaqada ka eryay wasiirkiisa difaaca

32
Netanyahu

Xigashada Sawirka,Reuters

Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa talaadadii shaqada ka eryay wasiirka difaaca, Yoav Gallant. Netanyahu wuxuu sheegay in uu soo kala dhexgalay “dhibaato aaminaad”.

Qoraal uu Mr. Netanyahu soo saaray ayuu ku sheegay in dhawaan uu Mr Gallan xumaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz ayaa lagu beddelayaa sidaasina waxaa sheegay Mr. Netanyahu.

Shaqo ka eryidda Mr. Gallant waxay keentay dibadbaxyo iyo in hoggaamiyayaasha mucaaradka ay ku baaqaan dibadbax weyn.

Mr. Netanyahu iyo Mr. Gallant waxay muddo dheer lahaayeen xiriir wadashaqeyn. Sanadkii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ay isku khilaafeen qorshaha dagaalka marinka Gaza.

Mr. Gallant waxa uu ku dooday in sii deynta maxaabiista ay ka mudnaato in dagaalka sii socdo, taasna waxaa diiday raysalwasaaraha.

dagaalka

Xigashada Sawirka,Reuters

Wasiirkii hore difaaca sidoo kale kuma faraxsaneyn qorshooyinka wadaadada looga saarayo in aysan shaqada militeriga gelin.

Bilooyin ka hor dagaalka Gaza inta uusan bilaaban, Mr Netanyahu wuxuu ku eryay Mr Gallan arrimo siyaasadeed oo ay ku kala duwanaayeen ka hor inta uusan soo celin markii ay dhaceen dibadbaxyo waa weyn.

Wuxuu qiray in aaminaad ay jirtay bilowgii iyo wadashaqeyn miro dhal ah, hadana aaminaadaas dhaawac ayaa gaaray bilihii u dambeeyay.

Netanyahu wuxuu sheegay “waxaa soo baxay farqi weyn oo u dhexeeyay isaga iyo Gallant oo la xiriira sida loo maamulayo ololaha”.

Kaddib markii shaqada laga eryay, Gallant waxa uu bartiisa X soo dhigay in ammaanka Israel “uu ahaa had iyo jeer ahaana doonaa halbowlaha nolosheyda”.

wasiirka

Xigashada Sawirka,Reuters

Ninka lagu beddelayo, Israel Katz, waxaa loo arkaa in militir ahaan uu ka adag yahay.

Gideon Sa’ar oo ka mid ah saaxiibada Netanyahu kaas oo aan hayn xil wasiir ayaa noqonayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda.

Magacaabista wasiiradan waxay u baahan tahay si ay u shaqeyso in baarlamaanka uu ansixiyo.

Markii ugu horeysay ee Gallant shaqada laga eryo waxay aheyd bishii Marso sanadkii 2023-kii kaddib markii ay isku khilaafeen qorshooyin lagu muransanaa oo dib u qaabeyn loogu sameynayay nidaamka cadaaladda taas oo awoodda looga qaadayay maxkamadda dalka ugu sareyso.

Waxaa lagu qasbay in go’aanka shaqa ka eryidda uu ka laabto kaddib markii dibadbaxyo waa weyn ay dhaceen.

Bishii May ee sanadkan, waxa uu Galant si cad u sheegay sida uu uga niyad-jabsan yahay in dowladda ku guuldareysatay in ay wax ka qabato arrimaha la xiriira qorshooyinka Gaza ee dagaalka kaddib. Wuxuu doonayay in Netanyahu uu cadeeyo in Israel aysan dooneyn in Gaza la wareegto xukunkeeda.

Waxay aheyd kala qeybsanaan aan inta badan la arag oo ka dhex taagneyd golaha wasiirada dagaalka Israel

.

Xigashada Sawirka,Reuters

Jawaabta ka dhalatay

Xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka Israel ayaa ku baaqay dibadbaxyo markii xilka laga qaaday Mr. Gallant.

Koox ka socota qoysaska dadkooda ay Xamaas afduubatay toddobadii Oktoobar ayaa sidoo kale dhaleeceeyay in Mr. Gallant shaqada laga eryo, waxay sheegeen in taasi dhaawac ku tahay sii deynta la haystayaasha.

Madal ka dhexeysa qoysaska dadkooda afduubtay ayaa ka dalbaday wasiirka cusub, Israel Katz, in uu cadeeyo sida ay uga go’an tahay in dagaalka la soo afjaro, lana hirgaliyo heshiis lagu sii deynayo la haystayaasha.

Gallant waxaa loo arkayay in uu aqalka cad la leeyahay xirir ka fican kan Netanyahu uu la leeyahay.

Aqalka cad waxay sheegeen in “Gallant uu ahaa saaxiib muhiim u ah dhammaan arrimaha la xiriira difaaca Israel iyo saaxiib aad ugu dhow”.

Dadka la socda arrimaha waxay ka dhawaajiyeen in eryidda Gallant ay timid xilli Netanyahu ay haysato cadaadis la xiriira in uu ansixiyo qeynuunka ogolaanaya in wadaadada ay qeyb ka noqdaan ciidamada.

Isha warkan BBC Somalia