30,000 oo Itoobiyaan ah oo jooga Puntland

42

Maamul gobolka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay qulqulka qaxootiga Itoobiyaanka ee soo galaya gudaha Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Puntand Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ku dhawaad illaa 30,000 oo qaxooti Itoobiyaan ay 10-kii bilood ee ugu dambeysay ay soo galeen deegaannada maamulka Puntland.

 

Juxa ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeys ay ku hayso arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in qulqulka qaxootiga uu noqday mid xirgaha goostay.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan u awood u heynin xakameynta dadka Itoobiyaanka ee kasoo tallaabaya xadka, ayna sii kordhayaan tiro ahaan.

 

Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Saciid Faarax (Juxa).

 

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sii hadlayay ayaa intaasi kusii daray in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Itoobiya, isla markaana diiradda lagu saaray xakameynta qaxootiga iyo dib u celinta kuwa hadda ku sugan deegaannada maamulka Puntland.