Halkee ayay aadeen hoggaamiyeyaasha Xamaas

39

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamaas ee ku sugan meel ka baxsan Qasa iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan kooxdeeda dhexdhexaadinta ayaan ku sugneyn Dooxa, sida ay sheegeen dowladda Qadar iyo sarkaal sare oo Falastiini ah.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in xafiiska Xamaas uusan shaqeyneyn sababo la xiriira in Qadar ay hakisay dadaalladeeda dhexdhexaadinta ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay inaan gebi ahaanba la xirin.

 

Sarkaalka Falatsiiniga ah ayaa BBC u sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Xamaas ay wax ka beddeleen joogitaankooda gobolka ayna qarinayaan meelaha ay ku sugan yihiin si aysan ceeb ugu soo jiidin dalalka martigeliyay.

 

Balse waxay sheegeen inay u badan tahay in Khalil al-Hayya uu ku sugan yahay Turkiga maaddaama uu halkaas dhowr jeer u safray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

 

Iyadoona sarkaalka uu beeniyay wararka sheegaya in Qadar ay si rasmi ah Xamaas u weydiisatay inay halkaasi isaga baxdo, waxay sheegeen in dalkan Gacanka uu u muuqdo in qudhiisa uu taxadarayo si uu uga fogaado xiisad walba oo u dhaxeysa maamulka haatan ee Madaxweyne Joe Biden iyo maamulka soo socda ee madaxweynaha la doortay Donald Trump.

 

Qadar ayaa martigelisay xafiiska siyaasadeed ee Xamaas tan iyo sanadkii 2012 waxayna door weyn ka ciyaartay dhexdhexaadinta aan tooska ahayn ee kooxda iyo Israa’iil. Balse arrimihii dhowaan soo kordhay ayaa wax ka beddelay xiriirkooda.

Horraantii bishan, Qadar ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dadaalladii ay garwadeenka uga ahayd xabbad-joojinta Qasa waxayna sheegtay in keliya dib loo bilaabi karo “marka labada dhinac ay muujiyaan ka go’naansho iyo inay dhab ka tahay soo afjaridda dagaalka qaraar”. Balse waxay beenisay wararka sheegaya in hoggaamiyeyaasha Xamaas lagu wargeliyay inay isaga baxaan dalkaas.

 

Shalay, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay in “hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ka midka ah kooxda dhexdhexaadinta aysan haatan ku sugneyn Dooxa”.

 

Sida aad ogtahay, waxay u kala gooshaan caasimado kala duwan. Ma doonayo inaan sii faahfaahiyo waxa ay taas la micno tahay,” ayuu intaa raaciyay.

 

Balse waxa aan kuu sheegi karaa waa inay caddahay in xafiiska Xamaas ee Dooxa loo aasaasay ujeeddo dhanka hannaanka dhexdhexaadinta ah. Waxaa cad, marka uusan hannaan dhexdhexaadin jirin, xafiiska qudhiisa wax shaqo ah kama soconeyso.”

 

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in “go’aan gebi ahaanba lagu xirayo xafiiska uu yahay go’aan si toos ah looga maqli doono dowladdiisa ee uusan ahayn mid ay warbaahintu isla dhex marto”.

 

Isniintii, Xamaas ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Telegram ku sheegtay in ilo kooxda ka tirsan ay “beeniyeen waxa ay warbaahinta Israa’iil ka faafiyeen in hoggaanka Xamaas ay ka tageen Qadar una wareegsadeen Turkiga”.

 

Waxaa xigay beenin taas la mid ah oo ka timid wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyadoo ilaha ay sheegayaan in telefishinka Turkiga laga leeyahay ee NTV uu baahiyay: “in xubno ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas ay booqanayeen Turkiga muddoba kadib. Wararka sheegaya in xafiiska siyaasadda loo wareejiyay Turkiga aysan ka tarjumeynin runta.”

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa dhanka kale shir jaraa’id oo u uku qabtay Washington ku sheegay inuusan “xaq u lahayn inuu muran geliyo wararka” ku aaddan halka ay ku sugan yihiin hoggaanka Turkiga.

 

Waxa aan dhahayo anoo Mareykanka u hadlaya waa inaynaan aaminsaneyn in hoggaamiyeyaasha ururka argagixisada ay si raaxo leh ugu nool yihiin meel kasta, iyo in meeshaas ay ku jirto magaalo weyn oo ka mid ah dalalka aan xulafada sare nahay,” ayuu yiri

 

Wuxuu sidoo kale diiday inuu mala awaalo in Turkiga oo ah xulafada Nato ay cawaaqib-xumo kala kulmi doonto haddii ay soo xareysato hoggaamiyeyaasha Xamaas.

 

Turkiga Xamaas uma aqoonsada urur argagixiso – si ka duwan Israa’iil, Mareykanka iyo UK iyo dalal badan oo reer-galbeed ah –xubno ka tirsan kooxda ayaana aalaaba halkaas waqtigooda ku qaata.

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa difaacay Xamaas kuna tilmaamay dhaqdhaqaaq iska caabbin wuxuuna si aan gabbasho lahayn u cambaareynayay ololaha militari ee Israa’iil ee Qasa.

 

Israa’iil ayaa howlgal militari oo lagu tirtirayo Xamaas billowday iyadoo uga jawaabeysa weerarkii kediska ahaa ee kooxda ay ki qaadday koofurta Israa’iil 7 October 2023, kaasoo ay ku dhinteen 1,200 oo qof halka 251 kalena la qafaashay.

 

In ka badan 43,970 oo qof ayaa wixii ka dambeeyay lagu dilay Qasa, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka ay Xamaas maamusho.