Deni oo bilaabay inuu Kobiyeeyo Xasan Sheekh

43

Maamulka Puntland ayaa bilaabay abaabulka qabaa’ilada ku dhaqan gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan deegaanka buuraleyda Calmiskaad.

 

Ujeedka abaabulkan ayaa salka ku haya dagaalka ka dhanka ah Daacish. Kooxdan oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka Puntland ayuu haatan go’aansaday maamulku inuu ku qaado dagaal culus oo lagu ciribtirayo Daacishta saldhigatay buuraha maamulkaasi.

 

Qabaa’ilada ku nool tuulooyinka bariga fog ee gobolka Bari ayaa la sheegay in ay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaan-galka Daacish ee deegaannada qaar.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka badbaaday weerar ay Daacish ku qaadday tuulada Dharjaalle, ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada.

 

Kulamadaas ayaa looga hadlay doorka qabaa’ilku ku yeelan karaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haya bulshada ee baneystay xoolahooda iyo dhiigoodaba.

 

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in gobolka Bari uu noqday bahalo galeen ay sabab u tahay galaan-galka iyo saamaynta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ku yeesheen bulshada deegaanka.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in shacabka iyo qabaa’ilka iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa kooxahaasi deegaanadooda.

 

Laamaha amniga Puntland ayay ku adkaatay inay xog ka helaan deegaanada Daacishtu ku sugan yihiin, iyadoo dhawaan weerarkii u dambeeyay ee Daacish uu muujiyay fashilka sirdoon ee ciidanka Puntland, maadaana kooxda weerarka soo qaaday ay soo jareen boqolaal Kiilo-mitir, iyagoo soo maray dhowr tuulo oo ay dad reer miyi ah degan yihiin.