Mala socotaa qorshaha cusub ee Xasan sheekh ka damacsan yahay Beledweyne

25

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ka bilowday dowladda dhexe, oo wafdi sare u dirtay Hiiraan, si ay u fuliyaan qorshaha Villa Soomaaliya.

 

Wafdiga ayaa ka kooban xildhibaanno, wasiirro, taliyaha NISA iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Beledweyne, kuwaas oo xambaarsan laba ujeedo oo kala ah xal u raadin xiisadda gobolka iyo fulinta qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee laga qabanayo dalka.

 

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale toos ula wareegtay amniga Beledweyne oo ay markii hore gacanta ku hayeen ciidamo Macawiisley ah, waana tallaabada koowaad ee ay qaaday xukuumadda, si loogu dhaqaaqo qorshaha ay hormuudka u tahay Villa Soomaaliya.

 

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Shire oo kamid ah mas’uuliyiinta ay dirtay dowladda ayaa ka warbixiyay kulamada ka socda Beledweyne ee ay la yeehseen waxgaradka reer Hiiraan, waxaana ugu horreeyay arrinta amniga iyo doorashada.

 

Daahir Shire ayaa hoosta ka xariiqay in Beledweyne laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo shacabka ku booriyay inay u diyaar garoobaan inay codadkooda dhiibtaan.

 

Waxaan muddo 90 cisho ah ka shaqeynayna nabadeynta gobolka Hiiraan, dowladda siyaasadeeda waa caddahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka jihaa la aaday, annagana waa in aynan ka harin oo aynu qabana doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri.

 

Arrinta kale ee sii xoojineyso qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan tegayo Beledweyne, si loo dhammeystiro heshiisyada haatan lala gaaray maamulkii la baxay Hiiraan State, loona xalliyo tabashada ay qabaan reer Hiiraan.