DAAWO:- Liverpool ooo barbardhac lagashay Nottingham Forest+VIDEO

17

Chris Wood ayaa dhaliyay goolkiisii ​​13-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda Nottingham Forest ay hogaanka u qabatay Liverpool oo tartanka horyaalka Premier League hogaamineysa.

Kooxda Nuno Espirito Santo ayaa doonaysay inay dhamaystirto guushii labada oo xiriir ah oo ay horyaalka ka gaaraan Liverpool, iyagoo 1-0 kaga badiyay garoonka Anfield bishii September 2024.

Guuldarada kaliya ee Liverpool soo gaartay xilli ciyaareedkan horyaalka ayay aheyd, waxaana markale caawa lagu handaday City Ground kooxda Reds.

ka dib qaab ciyaareed liita oo ay ku soo bandhigtay kulamadii Manchester United iyo Tottenham, Liverpool waxay mar kale ku qanceen barbaro ay ka heleen Nottingham Forest oo muddo hogaamineysay kulanka.

Daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta ayaa Anthony Elanga la siiyay fursaf fiican oo uu ku dhaqaaqo, wuxuuna kubad qurux badan siiyay weeraryahanka Wood oo si qurux badan u dhaafiyay banooniga goolhaye Alisson.

Badelada cusub ee uu sameeyay tababaraha Liverpool ayaa ka shaqeeyay goolka barbaraha ah ee Liverpool daqiiqadii 66aad ee ciyaarta.

Tsimikas oo ka soo xarooday dhanka midig ayaa Jota u dhiibay kubadda, kaasoo si fiican u dhaafiyay goolhaye Sels.

Waa fursadii ugu horeysay ee bartilmaameed ah oo ay sameysay kooxda martida aheyd ee Liverpool, waana ay ka faa’iidaysteen.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1 ah, taasoo la micno ah in Reds ay haatan hogaanka ku hayaan farqi 7 dhibcood ah.