Liverpool Oo Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay Club World Cup-ka+SAWIRRO

2541

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay taariikhdeeda ku guulaystay koobka Club World Cup-ka kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadheen kooxda Flamengo Finalka tartanka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood isla aadheen wakhtiga dheeriga kadib markii ay isku dhaafi waayeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta kulan ay Liverpool maamulaysay ciyaarta.

Liverpool ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay goolal ka dhalin kartay xilli ay kooxda Flamengo ayna wax fursado waaweyn ah samayn ciyaarta guud ahaan.

Labadii qaybood ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday bar-baro gool la,aan ah inkasta oo ay Reds dhalin kartay goolal marka loo eego fursadihii birta kaga dhacay ama ay iska khasaariyeen.

Laakiin Nasiibka Liverpool ayaa is badalay daqiiqadii 99-aad ee qaybtii hore ee dheeriga ahayd ee ciyaarta lagu daray iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Liverpool ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo Flamengo ka ilaaliyay in ay soo taabtaan shabaqooda ciyaartana bar-bareeyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku guulaystay Club World Cup-ka markii ugu horaysay ee taariikdooda.