DAAWO:-Villarreal qaadatay koobka Europa League+SAWIRRO

1687

Kooxda Villarreal ayaa ku guulaystay tartanka Europa League xilli ciyaareedkan kadib markii ay rikoodhayaal kaga qaadeen kooxda Man United Kulan wakhti dheeri ah la ciyaaray kadib markii ay isku dhaafi waayeen labada kooxood natiijo 1/1 ah.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa haaa mid adag labada kooxood ayaana si fiican ugu soo diyaar garoobay Final-ka tartanka Europa League iyada oo koox walba si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Dhanka maamulka kuada waxa ku fiicnayd kooxda Man United kuwaas oo iyaga oo ku fiicnaa dhanka kubad hasashada xilli ay Villarreal Ciyaaraysay kubad orod ah.

Villarreal oo daafac ku jirtay ayaa ciyaaraysay kubad orod ah iyaga oo joojiyay xiddigaha weerarka Man United khadka dhexe una diiday in ay sida ay doonaan u ciyaaraan.

Daqiqiadii 29-aad ayay Villarreal Dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Gerard Moreno kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib kubad la soo karoosay oo uu ku taabtay shabaqa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Villarreal hogaaminayso ciyaarta natiijo ahaan halka ay Man United qaab ciyaareed ahaan ku fiicnayd kulanka.

Qaybta Dambe:

Koxoda Man United ayaa qaybta dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta ka hor inta uuna xaalku ku xumaan.

Villarreal ayaa u muuqday kuwo doonayay in ay goolkaas ku dhamaystaan ciyaarta iyaga oo difaac ku jiray waliba aad u yareeyay weeraradii ay ku qaadayeen kooxda Man United.

Daqiiqadii 55-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Edinson Cavani kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 kooxdiisuna ku soo laabatay ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa u muuqatay kuwo doonayay in ay guul ka gaadhaan kulanka Halka Villarreal u muuqdeen kuwo daalay oo aan qaadayn weeraro halis leh sidii qaybtii dambe ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana la go’aamiyay in 30 daqiiqo lagu daro si loo kala boxo midkoodna guul u gaadho labada kooxood.

Labada Kooxood ayaa isla dhaafay 30-kii daqiiqo ee dheeriga ahaa iyaga oo aan wax gool ah kala dhalin waliba si aad ah u dadaaleen labada kooxood.

Kadib rikoodhayaasha waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Villarreal rikoodhayaal ku qaaday tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.