Shirkadaha diyaaradaha oo berito joojinaya duulimaadyadii

17

Madaxda maamullada shirkadaha diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo maanta isugu yimid shir xasaasi ah ayaa ka hadlay caqabado ay sheegeen inay indhowaanahaan kala kulmayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

 

Shirkadaha duulimaadyada ayaa sheegay in muddo dhowr jeer ay soo bandhigayeen cabashooyinkooda, balse ay dowladdu wax ka qaban waysay, sida ay hadalka u dhigeen.

 

Intaas kadib shirkadaha duulimaadyada dalka ayaa soo saaray go’aan culus ayaa sheegay in shaqadooda ay ka wadi waayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka.

 

Sidoo kale waxa ay ku dhowaaqeen in ay joojiyeen duulimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo berri oo Arbaco ah, taariikhduna ku beegan tahay 22 Janaayo, 2025-ka.

 

Waxay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed caddeynayaan in ay shaqadii ka wadi waayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay shirkadaha diyaaradaa dalka.

 

Waxaa kale oo ay sii raaciyeen “Sidaas darteed, laga bilaabo beri oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Janaayo, 2025 waxay gebi ahaanba shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed joojiyeen dhammaan duulimaadyada gudaha dalka iyo dibadda ay ku tegi jireen ilaa xal waara laga gaarayo”.

 

Go’aankan oo saameyn doono isku socodka duulimaadyada dalka ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee Internet-ka.

 

Maalmihii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada shirkadaha duulimaadyada, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.