Daawo: Fiqi oo u jawaabay Saacid oo jeediyey hadal qalqal gelin ah

41

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saaci doo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa maanta jeediyey hadal si weyn loogu weeraray, Saacid ayaa sheegay in muddo kooban oo Muqdishou u joogay uu arkay in kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho qabsan rabaan.

Wuxuu sheegay in Ex-control Balcad iyo Ex-control Afgooye ay Shabaab ku soo dhawaadeen difaaca ciidamada qaranka Soomaaliya ayuu sheegay in Muqdisho uu u muuqdo.

“Maanta waxaa difaac looga jiraa labada koontorool ee Xamar, iska daa adeeg dowladeed, difaaca koowaad wuxuu yaalla meel Balcad ka sokeysa, aaway qarankeenii xoogga badnaa ee lagu xaman jiray in Afrika uu ugu awood badan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid.

Wuxuu sheegay in Soomaaliyadaan iyo Soomaaliyadii hore aan la simi karin, “Hadda waxa noo haray waa baa’ba, aduun iyo aaqiro maheyno, dalkaan hodanka ah aan badbaadino, oo isbedel siyaasadeed waa inaan helnaa,” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadalkaas ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, isagoo aad ugu ceebeeyey in isagoo maanta dalka yimid uu sidaas u hadlo.

“Nin seedigeen ah ayaa maanta yimid, horay wuxuu ka yiri Xamar labada koontorool ayaa dhufeys looga jiraa, hadda ayuu yimid, xitaa Xamar ma arkin ninkaas, Al-Shabaab waan ogeyn sanado ka hor sidii ay ula shaqmi jireen dadka Soomaaliyeed, dalkii oo la xoreeyey ayuu yimid Hotel ayuu degay shir jaraa’id ayuu qabtay, isagoo aan Xamar xitaa soo dhexmarin,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa ka afeeftay in seedigiis Saacid uusan ku dheeraa doonin ayaa sheegay in Xasan Sheekh siyaabo kale loo mucaaradi karo, balse arrimaha amniga iyo shaqada laga qabtay aysan uga aamusi doonin qof boorso wata oo dalka hadda yimid.

“Odaga waa seedigeen intaas u dhaafi mayo, laakiin hadii aad hadashay maxaa la iigu jawaabay ha dhihin, intaas ku ekey, qofkii xuduudiisa soo dhaafa gacantaa la qabanayaan, waana la joojinayaa, ciidanka iyo xoolaha la geliyey qiimo ayey noogu fadhiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii Fiqi ayaa sheegay in qofkii Amniga siyaasadeeya ay u jawaabi doonaan weliba si adag, “Sheekh Shariif iyo CC Shakuur ayaan u jawabi jirnay, qabiil nagama ahan, ra’iisul wasaareheenii hore waxaan ka sugeynay in maanta inta tuute xirto uu furinta aado, hadii ciidankeena aad inkirto anaguna waan ku inkireynaa,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo hadallada labada masuul ee isku jawaabtay