Somalia oo laga saaray liis madow oo horey loogu daray

44

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa shaacisay in Soomaaliya laga saaray liiska Qaramada Midoobey ee askareynta carruurta, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay QM, kaas oo lagu cadeeyey in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed aysan ku lug laheyn kiisaska askareynta carruurta.

“Dowladda Sooomaaliya ayaa masuuliyad iska saartay dhowrista badqabka shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dasturka dalka, heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiiday” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA