Askar loou xiray inay rasaas rideen dabaaldegii 26 Ka June

17

Taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga Caasimadda lagu soo qabtay 17 Ruux oo ay Ku Jiraan Askar iyo Shacab, kuwaas oo ku eedeeysan inay jebiyeen amarkii mamnuucayay in rasaas la rido dabaaldegyada maalmaha xorriyadda.

Dadkaan ayaa waxa ay si ku eedeeysan yihiin in habeenkii 26ka June ahayd ayna jirtay amarka inaan wax rasaas ah ka ridi karin ay iyagu amarkaas jabiyeen ayna dhowr rasaas rideen.

Taliska ayaa tilmaamay in Baaritaan uu socda oo lagu ogaanayo khasaaraha ka dhashay rasaastii 26ka June habeenkeedi ay si sharci-darro ah loo riday, waxaana uu taliska booliska qeybta gobolka Banaadir uu xusay in Eedeysanayaasha la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa baadi-goobaya tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay xerooyin Ciidan ka rideen rasaas sida taliska Booliska Gobolka Banaadir ay shaaciyeen.

Ugu dambeyn, Waxa uu taliska Booliska Qeybta Gobolka Banaadir uu shacabka Caasimadda ugu baaqey inay la soo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan cid kasta oo amniga lid ku ah, iyaga oo la soo xiriiraya Xafiiska Gurmadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee 991.