Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin SSC-Khaatumo

17

Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo sheegtay in aysan jirin sharci ay ku dhisantahay maamul gaar ah oo kasoo baxay deegaanka Beesha Dhulbahante.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweysay doorkii ay Isimada Beesha Dhulbahante ka qaateen dib u xoraynta Laascaanood 6-dii February 2023, balse aysan aqbaleyn in deegaan gaar ah uu yeesho maamul ka madax bannaan Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si cad u sheegaysaa in aysan jirin sharci ay ku timid in Beesha Dhulbahante ay sameystaan maamul gaar ah,” ayaa lagu yiri warka.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in dhamaan beelaha dega Sool, Cayn iyo guud ahaan deegaanka Dhulbahante ay ka mid yihiin Puntland tan iyo markii la aasaasay 1998.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale cambaareysay faragelin ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha amniga ee Puntland, taasoo ay ku tilmaantay mid horseedeysa xasillooni darro iyo fursad ay ka faa’iideystaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si kulul uga jawaabay warka kasoo baxay Puntland, isagoo sheegay in jiritaanka SSC uusan ahayn wax laga doodi karo.

Madaxweyne ku xigeenka SSC-Khaatumo, Dr. Maxamed Ismaaciil Shiine, ayaa yiri:

“Waxaa nasiib darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland. Maamulka SSC-Khaatumo waa dawlad xubin ka ah hannaanka Federaalka ee dalka, taasoo aan cidna laga aqbalayn inay su’aal geliso jiritaankeeda.”

Dr. Shiine wuxuu intaasi ku daray in SSC ay shacabka Puntland u hayso wanaag iyo walaalnimo, balse ay ka go’an tahay in aayo-katashiga reer SSC-Khaatumo uu yahay “khad cas” aan la jabin karin.