Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen Dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga ee magaalada Dimishiq kuna dhow madaxtooyada Siiriya.
Duqeyntan ayaa la sheegay in hal ruux uu ku dhintey 18 kalana ay ku dhaawacmeen.Waxa ay duqeyntan ku soo beegantay talaabooyin ka dhan ah rayidka Druze ee Koonfurta Suuriya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin duqeymaha Israa’iil ee Suuriya.
Waxa uu u sheegay warfidiyeenka in Maraykanku uu doonayo in dagaalka la joojiyo, waxa uuna xaqiijiyay in ay la hadlayaan labada dhinac, isaga oo intaa ku daray in ay rajeynayaan in ay dagaalka joojiyaan.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ciidamada Isra’il IDF ayaa qaaday duqayn dhanka cirka ah oo ay ku ekeysiiyeen ciidamada ammaanka Suuriya si ay u joojiyaan iskudhacyada gobolka Sweida ee ay ku badan yihiin bulshada Druze.
Ku dhowaad 250 qof ayaa lasoo sheegayaa in lagu dilay iskudhacyada. Israa’iil oo u aragta khatar dowlada Suuriya ayaa sheegtay inay raadinayaan difaaca rayidka bulshada Druze.