Dowlada Somalia ayaa soo bandhigtay Sawirrada Daroogada lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ka kooban 48 jawaan oo la doonayey in dalka la soo geliyo, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo shakhsiyaadka iyo shabakadaha ku lugta leh soo dhoofinta daroogadaas.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay daroogo culus oo ka koobnayd 48 jawaan, mid kasta oo ay ku jirto 52 baakadood, taas oo wadarteedu noqoneyso 2,496 baakadood iyo lix kartoon oo xaashiyo lagu xirxiray daroogadaas.
Daroogadan khatarta ku ah badqabka bulshada ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qabtay intii aanay ka bixin garoonka.
Xafiiska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo cida ku lugta leh soo gelinta daroogada, iyadoo la horgeyn doono Maxkamada Awoodda u leh.