Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya ayaa gor dhow doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.
Amran Axmed Xasan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari, halka Cabdirisaaq Jaamac Warsame loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad
Codeynta kaddib guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa u yeeray Cabdiqafaar oo ahaa musharaxii laga guuleystay in uu halkaas ka jeediyo sida uu arko habka ay doorashada u dhacday iyo sida uu ugu qanacsan yahay in looga adkaaday doorashada.
Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guddiga doorashada iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya
“Waxaan halkan u soo istaagay in aan aqbalo guul-darrada, waxan u tahniyeynayaa walaalkey Aadan” ayuu yiri Cabdiqafaar oo intaas ku daray in sida ay wax u dhaceen ay dhaawaceyso nidaamka awood-qeysbiga ee maamulka.
“Waxaan rabaa in aan kalmad ku daro doorashada sida ay u dhacday iyo hufnaanteeda, lakiin waxay dhaawac weyn ku tahay, hab qeybsigii iyo awood qeybsigii dadweynaha maamulka Waqooyi Bari, taasna waaan u deynayaa isimada iyo dadka ay quseyso”.