DAAWO Nabadoon siwayn udiidanaa Waqooyi Bari oo ladilay

25

Nabadoon Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan, ayaa galabta ku geeriyooday duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal aan la aqoonsan cidda iska leh.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay degmada Ceel-buh isagoo wata gaarigiisa gaarka ah, waxaana la socday nin aan si fiican loo aqoonsan oo saddex habeen la joogay degaankaas.

Goobjoogayaal iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in labadooduba ay ku dhinteen duqeynta, iyadoo aan la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi.

Warar madax bannaan ayaa tilmaamaya in ninka la socday nabadoonka uu afartii habeen ee lasoo dhaafay deganaa hotel ku yaalla degaanka Ceel-buh.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in gaariga la duqeeyey uu lahaa Nabadoon Cumar, kaasoo ahaa nin caan ka ah deegaanka, isla markaana diidanaa Dowlada fedraalka somaliya iyo maamulka Waqooyi Bari ee soomaaliya.