Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo War cusub soo saaray

22

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) ayaa sheegay in dib loo furay Xarumaha Diwaangelinta Dadweynaha ee Degmooyinka hoos ku xusan ee gobolka Banaadir.

Degmada Warta-Nabadda
Degmada Howl-Wadaag
Degmada Hodan
Degmada Wadajir
Degmada Dharkeynley
Degmada Waabari
Degmada Kaxda
GMDQ&S waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan Muwaadiniinta aan horey isku diiwaangelinin iyo taageerayaasha xubnaha Ururrada Siyaasadeed ee dhawaan shahaadada qaatay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan, kuna dhiirigeliyaan bulshada iyo taageeradooda inay ka faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee dib-u-furista diiwaangelinta.