Guddida A. Dibadda Maraykanka oo meel mariyay in Somaliland toos loola macaamilo

27

Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa ansixiyey xeer ballaadhan oo labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuurigu si wadajir ah uga shaqeeyeen, kaas oo dib loogu habaynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka isla markaana ogolaanaya in Maraykanku uu Somaliland toos ula macaamilo.

Sharcigan cusub waxa uu si gaar ah u xoojinayaa xidhiidhka Maraykanku la yeelanayo Somaliland. Xeerkan oo loo yaqaan Department of State Policy Provisions Act (H.R. 5300) ayaa ka mid ah sagaal sharci oo waaweyn oo dib u habayn lagu samaynayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Ujeeddadiisu waa in la casriyeeyo hawlaha diblomaasiyadeed, kor loo qaado wacyiga bulshada caalamka, isla markaana la abuuro hannaan cusub oo lagu hubiyo in siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku natiijo muuqata keento.

Sharcigan ayaa faraya in Maraykanku uu kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya marka ay noqoto isku socodka iyo safarada, in la dhiirigaliyo in dadka Maraykanku ay Somaliland u socdaalaan oo ay maalgashaadaan iyo in Maraykanku uu xafiis matalaadeed ka furto magaalada Hargaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah. “Waxaan soo dhoweynayaa ansixinta H.R. 5300 ee Guddida Arrimaha Dibadda Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Brian Mast. Sharcigan wuxuu albaabka u furaya in Maraykanku uu xafiis ka furto Hargeysa, xidhiidhka ganacsigu kobco, iyo in la garwaaqsado xasilloonida Somaliland, isagoo sidoo kale kor u qaadaya jidka aqoonsiga rasmiga ah.”

Sharcigan ayaa hadda u gudbay Golaha Wakiillada oo dhan si looga doodo looguna codeeyo. Haddii la meel mariyo, waxa uu markaasna u gudbi doonaa Aqalka Senate-ka toddobaadyada soo socda.

Somaliland ayaa dadaal ku bixisay sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd baarlamaannada Reer Galbeedka, iyada oo ku guulaysatay in ay taageerayaal ku yeelato labada aqal ee Maraykanka, golayaasha Ingiriiska iyo waddamo kale oo Finland kamid tahay, kuwaas oo si joogta uga hadla aqoonsiga Somaliland.

Hadaba, xeerkani haddii uu sida ku dhaafo golayaasha Maraykanka, waxa uu wax badan u dhimi doona awooda siyaasadii “Soomaaliya hal ah” ee uu Maraykanku muddo baddan kula dhaqmi jiray Soomaaliya, waxa uuna dib u qaabayn doona siyaasada Maraykanka ee Geeska Afrika.

Dhanka kale, waxa Golaha Wakiilada Maraykanka horyaala xeer kale oo la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland, kaasi oo si rasmi ah loogu daabacay mareegta golaha, islamarkaana la rajaynayo in dhawaan si rasmi ah looga doodo.