Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines oo dacwad lagu soo ogay

84

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay inuu qaaday tallaabo sharci ah oo ku aaddan cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen kaasoo sheegay in lagu sameeyay ku-takri fal awoodeed iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdiisa dastuuriga ah, intii uu ka dhoofayay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, Cabdifitaax ayaa ku eedeeyay Turhan Kenmen, oo ah Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) ee Soomaaliya, inuu ku kacay ficillo baal marsan sharciga, isla markaana lagu xadgudbay xuquuqdiisa, taas oo sababtay in laga horjoogsado safarkiisii.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in markii ay soo gaartay cabashada iyo warbixinta la xiriirta dhacdada, ay isla markiiba u fureen Gal-dacwadeed si loo xaqiijiyo runta eedaha, lana bilaabay baaritaan dhab ah oo ku wajahan cidda ku lug leh arrintaas. Dacwaddan ayaa hadda u gudubtay marxalad sharciyeed oo suurtagelinaysa in la qaado tallaabooyinka ku habboon natiijada baarista kadib.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in arrinta loo wajahayo si waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana la hubin doono in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan difaac sharci oo buuxa marka ay cabasho gudbiyaan.

Hadalka maanta kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa kusoo beegmaya kadib markii Cabdifitaax Axmed Xuseen oo baraha Bulshada looga yaqaano Somali Gamer uu muqaal uu baraha bulshada la wadaagay ku sheegay inuu la kulmay tacadi ku saabsan xarig iyo in laga reebay si ula kac ah diyaaradii Turkish Airlane waliba isagoo maray dhammaan nidaamyadii hubinta ee garoonka iyo Hay’adda Socdaalka.

Somali Gamer ayaa eeda ugu kulul u jeediyay Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) oo si cad muqaalkiisa ugu sheegay inuu ahaa ruuxi ka dambeeyay in la xiro iyo in laga reebo duulimaadkii uu ku safri lahaa Turkish Airline.