DAAWO: Calankii Somaliland oo lagu gubay Boorama

66

Magaalada Boorame waxay saaka ku waabariisatay waji aan qurux badneyn waxaana wali ka taagan xiisad iyo colaad u dhexeeysa Ciidamada Milateriga Somaliland iyo shacabka ku dhaqan Boorame oo xarun u ah Gobolka Awadal.

Shacabka ayaa halkooda ka sii wada rabshadaha halka ciidamaduna sidaas oo kale iyaguna sidii rasaasta u wadaan ,waxaa la arkacayaa aanalaasyada oo shaqeynaya inkastoo wali kiisas dhimasho iyo dhaawac aan wali la soo tabin.

Xaalada Saaka ee Magaalada Brooma ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Maamulka Somaliland ku baaqay nabad iyo in xaalada la dejiyo,isagoona waliba ciidamada ku amray inay ka baxaan Magaalada.

Lama yaqaan sida saaka xaalku noqon doono iyo in baaqa C/raxmaan Cirro ee Nabada uu shaqeyn doono iyo in mar kale dhiiga dhagta loo dari doono shacabka reer Awdal kuwaasoo aad ugu kacsan Maamulka iyo Buugga xeerka Ciise.