DAAWO: Tirinta codadka doorashadii ka dhacday Muqdisho oo bilaabatay

37

Waxaa si habsami leh u socota tirinta codadka doorashadii goleyaasha degaanka gobolka Banaadir ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasoo ay ku loolamayeen illaa 20 xisbi siyaasadeed.

Inkastoo aysan jirin illaa hadda natiijooyin hordhac ah oo ay soo saareen guddiga doorashooyinka qaranka ayaa haddana codadka illaa hadda la tiriyey waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan iney ku horeeyaan xisbiyada JSP ee uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Shiikh iyo Xisbiga Ramaas.

Waxaa sidoo kale codad badan oo aan la dhayalsan Karin helay xisbiyo kale oo tartanka ku jiray, iyadoo natiijada kama dambeysta ah la filayo iney ku dhawaaqaan guddiga doorashooyinka maalmaha soo socda.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa xalay illaa saaka caadi ku soo laabatay, iyadoo ay dib u bilowdeen socodka noocyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha oo shalay loo hakiyey doorashooyinka magaalada ka jiray.