Baarlamaanka Somalia oo ugu dambeyn cod buuxa kudiiday xadgudubka Isr+SAWIRRO

78

Shirkii ay maana lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa ugu dambeyn goor dhaw lagu meel mariyay qaraar ku saabsan diidmada iyo ka hortaga xad-gudubka Isrll ee madaxbanaanida dhuleed iyo wada-jirka Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka maanta oo uu Madaxweyne Xassan ka qeybgalay ayaa si gaar ah looga hadlayay qadiyada somalia ku soo korortay ee isku deyga aqoonsiga Somaliland taasoo ka timid dhank yahuuda walow caalamka intiisa badan ay ka hor yimaadeen qorshahaasi iyagoona soo garab istaagay Dowlada Somalia oo difaacaneysa qaranimadeeda iyo wada-jirkeeda dhuleed.

Inkastoo Xildhibaanada kala af kaarta siyaasadeed ah ay dooda mararka qaar ku siganeysay inay isu gacan qaadaan ayaa hadana ugu danbeyn mudanayaasha waxay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen mooshinkii uu ku saabsanaa kulankaa maanta kaasoo looga hadlayay arinta aqoonsi ku sheega Maamulka Somaliland.