Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Boliiska Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo laascaanood tagay

56

 

Waxaa Magaalada Laas-caanood ku sii qulqulaya wufuud Dowlada Somalia ka tirsan kuwaasoo dhawaan halkaasi u tagaya inay ka qeybgalaan munaasada caleema saaka Madaxweynaha Maamulka cusub ee Waqooyi Bari C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.

 

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa wada-jir u gaaray Laas-caanodo halkaasoo aad loogu soo dhaweeyay.

 

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa isaguna gaarey magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

 

Masuuliyiintaan waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka martida loo yahay ee Waqooyi Bari Abwaan Cabdirashiid iyo Masuuliyiinta kale ,waxayna soo dhaweyn kadib u galbiyeen madaxtooyada maamulkaasi.

 

Khamiista waxaa Laas-caanood tagaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamza iyo wasiirada ugu badan oo sii raacaya xili islamaalintaasna lagu wado in Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowlada ka qeybgalaan caleema saar heerkiisu sareeyo oo loo sameynayo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi bari oo sanadkii hore sidii loo doortay aan wali loo sameyn caleema saar.