Xasan oo qaabilay wafdiga ay Jabuutiyaan ah oo Laascaanood tagay+ Sawirro

36

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa halkaas kula kulmay wafdi culus oo ka socda dalka Jabuuti, kaas oo ka qayb-galaya caleema saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu madaxweynaha ka degan yahay magaalada Laasacaanood, halkaas oo ay isku arkeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta dalkaas, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta Jabuuti la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar weliba garab siiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay garab istaagga ay xilligan adag u fidiyeen Soomaaliya, gaar ahaan waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga Jabuuti ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu isla xalay madaxweynuhu la yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Si kastaba, ha’ahaatee Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.