Dagaal culus oo ka dhacay Garoowe

70

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland uu ka dhacay saldhigga dhexe ee Garoowe, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka wada tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay weerareen saldhigga, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada Booliska ee gacanta ku hayay saldhigga Garoowe, halkaasn waxaa ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay daba socdeen laba nin oo saldhigga lagu soo xiray, iyaga oo doonayay in si xoog ah ay kusoo furtaan, hayeeshee waxaa dib u celiyay ciidankii sugayay amniga saldhigga dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay hal askari, laguna dhaawacay laba kale, kuwaas oo kamid ahaa askartii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ciidamadu ay dib ugu laabteen xarumahooda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xiisaddan ay ku baxeen saraakiisha laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka, si xal waar looga gaaro dagaalka.

“Ciidamada hadda dib ayay u noqdeen wixii qaldanaa waa la saxayaa odayaashii iyo saraakiishii dhammaan waa laga daba tegay wixii horay u dhacayna way u dhaceen wax dambeetana dhici maayaan, insha allah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Nugaal oo ka warbixiyay dagaalkaasi.

Garoowe ayaa waxaa marar badan ka dhaca dagaallo ciidanka dhexdooda ah, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray shacabka iyo burbur hantiyeed.