
Maxkamadda Racfaanka ee Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska xildhibaanadii ay dirsatay Soomaaliya, kadib markii koox xildhibaano Soomaali ah ay horay dacwad ka dhan ah doorashadooda u gudbiyeen Maxkamadda cadaaladda EAC ee fadhigeedu yahay gudaha magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Maxkamadda Racfaanka oo kiiska la wareegtay ayaa shaaicsay inay laashay dacwaddii laga gudbiyay xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afirka, iyada oo ku dhawaaqday in ay yihiin kuwa sharci ah.
Sidoo kale, maxkamadda ayaa amartay in la dhaariyo xubnaha Soomaaliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u gataan waajibaadkooda, uguna biiraan golaha.
Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in tallaabo togan oo sharci ah loo maray ansixinta xildhibaanadan.
“Waxaan marlabaad hambalyo u dirayaa saaxiibadeey Xildhibaanada Soomaaliya kumatali doono EALA, kadib go’aankii Maxkamadda Racfaanka EAC ay kulaashay go’aamadii hore”. ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa tallaabo lagu xoojinayo ku dhaqanka iyo sareynta sharciga isla markaana xoojineysa kalsoonida iyo dhexgalka Soomaaliya ee EAC. Waa Talaabo Guul ah, Waa Talaabo Taariikhi ah”.
Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;-
1. Xuseen Xasan Maxamed
2. Fadumo Cabdullaahi
3. Sahra Cali Xasan
4. Cabdisalaam Hadliye
5. Fahma Axmed Nuur
6. Abuukar Mardaadi
7. Feysal Cabdi Rooble
8. Ilhaan Cali Garas
9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
Si kastaba, go’aanka kama dambeysta ah ee ay maanta ku dhawaaqday Maxkamadda Racfaanka EAC ayaa noqday imtixaan culus oo ay ka gudubtay Soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta metalaadda.




















