
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maanta magaalada Nairobi ku yeeshay kulan muhiim ah, kaas oo looga hadlay arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan qorshaha dowladda Federaalka ee wax ka beddelka dastuurka dalka ayaa aqbalay gogoshii ay fidisay dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Shirka golaha ayaa laga soo saaray warqad aqbalaad ah oo ku saabsan gogosha ay dowladda u fidisay wada-hadallada, iyagoo isla markaana ku booriyay Madaxweynaha Soomaaliya in uu joojiyo dhaq-dhaqaaqa wax ka beddelka dastuurka. Golaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro hanaanka dimoqraadiyadda iyo wada-tashiga dhammaan qeybaha bulshada, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo waara.
Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, si loo helo xalal waara oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.





















