Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka.

85

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyay marxaladda ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, kaddib fadhiyo xiriir ah oo wadajir ah oo lagu falanqeeyay qodobbada kala duwan ee Dastuurka Qaranka.

Kulanka maanta, oo ahaa kulankii 23-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada iyo Sanatarradu, oo maanta soo gabagabeeyay doodda cutubyadii ugu dambeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka, ayaa si qoto dheer uga aragti dhiibtay qodobbada Amniga Qaranka iyo qodobbada guud, iyagoo soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo nidaamka amniga dalka isla markaana lagu tayeynayo qodobbada Dastuurka si ay ula jaanqaadaan baahiyaha dowladnimo ee jira iyo duruufaha isbeddelaya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Labada Aqal ayaa bogaadiyay hannaanka miro-dhalka ah ee doodda, kuna ammaanay Mudaneyaasha ka-qaybgalka firfircoon iyo doorkooda wax-ku-oolka ah. Waxa kale oo ay farreen guddiyada u xilsaaran arrimaha Dastuurka inay si farsamo, habraac iyo waafaqsan shuruucda u soo qaabeeyaan dhammaan talooyinka la dhiibtay, si loogu diyaariyo marxaladaha xiga ee dib-u-eegista iyo ansixinta Dastuurka Qaranka.