Mojtaba Khamenei oo loo doortay Hoggaamiyaha Iiraan.

103

Golaha khubarada dalka Iran ayaa ugu dambeyn u doortay Mojtaba Khamenei inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee dalka Iiraan oo uu bedelo aabihii, Ali Khamenei, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda Iran.

Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hoggaamiyihii hore, ayaa lagu sheegay inuu yahay qofka la doortay in uu sii wado shaqada hoggaanka ugu sarreeya ee dalka, taasoo ka dhigan doorasho siyaasadeed iyo diimeed oo muhiim ah kadib geeridii aabihii.

Mojtaba Khamenei oo ah 56 sano jir, waa wiilkii labaad ee uu dhalay Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka Mareykanka iyo Israel.

Mojtaba Khamenei waligiis isuma sharaxin xilka ama looma marin cod dadweyne, laakiin waxa uu muddo tobanaan sano ah ahaa shakhsi saameyn weyn ku dhex leh gudaha hogaamiyaha ugu sarreeya, isaga oo xiriir qoto dheer la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee IRGC.